Ousmane Dembele Oo Doonaya In Mudo Dheer Ku Sugnaado Garoonka Camp Nou xili uu beeniyay wararka sheegaya

Weeraryahanka Barcelona Ousmane Dembele ayaa ku adkeysanaya inuu sii joogi doono kooxda Catalans “muddo dheer”.

 

Xiddiga heerka caalami ee dalka France ayaa ku biiray Barcelona oo uu kaga soo biiray Borussia Dortmund xagaagii lasoo dhaafay, iyadoo weeraryahanku uu noqday ciyaaryahankii labaad ee ugu qaalisan kubada cagta ka danbeeya Neymar.

 

20 jirkaan ayaa ku dhibtooday inuu saameyn ku yeesho Spain, si kastaba ha ahaatee, dhaawac muruqa ah ayaa ku qasbay inuu seego kulamo badan oo kubada cagta ah oo uu ku soo bilowdo mustaqbalkiisa Camp Nou.

 

Waxaa jira talo soo jeedin ah in Dembele uu doonayo inuu ka tago Barcelona xagaagan ka dib markii uu ku guuldareystay inuu dego, lakiin weeraryahanka ayaa si diidmo ah u diidey warbixintaan.

 

“Ma doonayo inaan baxo hal xilli ciyaareed ka dib,” Dembele ayaa sidaasi u sheegay Telefoot. “Waxaan saxiixay qandaraas shan sanno ah oo aan kula jirno Barcelona, waxaan halkaan joogayaa muddo dheer.”

 

Dembele ayaa dhaliyay hal gool iyo todobo caawiye oo 17 kulan u ciyaaray Barcelona tan iyo markii uu ka yimid kubada cagta Jarmalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here