Mustaf Faransa oo u goondiyay Kooxda Dekedda, ka hor kulanka Galabta, Xilli kal hore laga badiyay Banaadir

Kabtan sharafeedkii hore ee Banaadir Sports Club Mustaf Shiikh Xasan Cumar (Faransa) ayaa aaminsan in Kooxdiisa ay Xagaagan ku guulaysan karto Horyaalka Soomaali Premier League.

Ka hor kulan Ciyaareedka adag ee galabta u dhexeeya Kooxaha Dekedda iyo Banaadir Sports Club’ Mustaf Shiikh Xasan Cumar (Faransa) ayaa war baahinta u sheegay in Xagaagan Kooxdiisa ay ku guulaysan karto Horyaalka, marka loo fiiriyo awooda Kooxdiisa.

Mustaf Faransa oo ah Macalinka Labaad ee Kooxda Banaadir, ”ayaa yiri galabta Waxaan la Ciyaari doonaan Kooxda difaacanaysa Horyaalka ee Dekedda, waxaan haysanaa Cayaartoy Da, yar ah, kuwaas oo Kooxda u suuro gelin kara in ay guul kagaaraan Koox walba oo nagu soo aada.

”Guulihii u danbeeyay ee Kooxda waxay Fariin u tahay dhamaan Kooxaha ku tartamaya Horyaalka, sida Dekedda, Horseed S.C iyo Heegan FC, ”ayuu yiri Mustaf Faransa.

”Waan la soconaa Hanaanka Kooxda Dekedde ay u Ciyaarto, waan Daawanaa kulamadeeda, iyagu waxay haystaan Maamul, Macalin iyo Ciyaartoy wanaagsan ku waas oo u saamaxay in heerkaan ay soo gaaraan, balse kulanka galabta waxaan diyaar u nahay inaan ku ciqaabno si an dhibcaha u wada wadaagno madaama ay Dekedda ay lee dahay 30-dhibic, halka Banaadir ay lee dahay 27-dhibic.

”Waxaa la joogaa waqtigii aan ka aarsan lahayn guuldaradii naga soo gaartay Dekedda 19/02/2018-kii,.

”Waad dareemi kartaa Ciyaar ku dhamaatay 1-0 in ay ahayd mid adag, balse maanta waxaa la joogaa waqtigii aan Dekedda ciqaabi lahayn oo ka adkaan lahayn, sidii aan ugu adkaanay Kooxda Horseed S.C oo hore iyadana nooga adkaatay.

Banadir Sports Club ayaa guuldaro la,aan ah Lixdii kulan ee u danbaysay iyagoo ka kala adkaaday Naadiyada Gaadiidka FC, Jeenyo FC, Horseed S.C, Waxool FC iyo Elman FC, halka ay barbaro la gashay Heegan S.C.

Si kastaba ha ahaatee’ Mustaf Faransa oo hada ah Macalinka labaad ee Naadiga Banaadir ayaa Kooxdiisa kula guulaystay shan jeer oo Horyaalka Heerka Kowaad ee Soomaaliya sanadihii 2000, 2006, 2008, 2014 iyo si la mid ah 2016-kii, xilli uu sidoo kale Kooxdiisa kula guulaystay intii uu Ciyaariyahanka ahaa Koobka Koobabka General Da’ud iyo Somali Super Cup.

Kabtankii hore ee Banaadir Sports Club iyo daaficii qaranka Soomaaliya Mustaf Sheekh Xasan Cumar (Faransa), ayaa soo gabagabeeyay xirfadiisa kubadda cagta 12-kii bishii May sanad Ciyaareedkii 2016 -kii, kaddib muddon 20-sanno ah uu ku dhex jiray Xirfada Kubada Cagta, isagoo kasoo bilaabay Kooxdii Gor-gor sanadii 1998-dii.

 

213697

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here