Marco Verratti oo ku sigtay u dhaqaaqista Kooxda Barcelona, ka hor bilowgii ololahan

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Paris Saint-Germain Marco Verratti ayaa sheegay in uu qaatay go’aankii ugu saxnaa ee xaga noloshiisa, kaas oo ku aadan joogitaanka Kooxda Paris.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Talyaaniga Verratti ayaa ku sigtay u dhaqaaqista Kooxda Barcelona, ka hor inta uusan bilaaban xagaagan, kaddib yabooh kaga yimid Kooxda Catalania.

Cabqarigii hore ee Hore ee Kooxda Pescara Verratti ayaa door muhiim ah ka qaatay in uu ka caawiyo kooxda Parisians xilli ciyaareedkan ku guulaysiga horyaalka Ligue 1, kaddib markii uu ka baaqsaday u dhaqaaqista garoonka Camp Nou xagaagii lasoo dhaafay.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay go’aanka aan qaatay, waana ku faraxsanahay haatan inaan lasii joogo Kooxdayda,” Verratti ayaa sidaasi u sheegay Majalada ESPN FC.

“Waxaan rabaa inaan halkaan sii joogo, Waxaan dareemayaa meel aad u wanaagsan inay tahay halkaan, waxaan doonayaa inaan ku guuleysto koobab badan. “

Si kastaba ha ahaatee’ Cayaariyahan Marco Verratti ayaa Paris Saint-Germain kaga soo biiray Kooxda heerka labaad ee Dalka Talyaaniga Pescara sanad Ciyaareedkii 2012-kii.

 

Related image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here