Madaxweynaha James Pallotta ayaa ku digtay Naadiyada Real Madrid iyo Liverpool

Madaxweynaha Kooxda AS Roma James Pallotta ayaa ku digtay Naadiyada doonaya saxiixa goolhaye Alisson Becker, kaas oo bartilmaameed u ah qaar ka mid ah Naadiyada Yurub.

Xiddiga heerka Caalami ee Wadanka Brazil Alisson ayaa wajahaya waayo qurxoon tan iyo markii uu kusoo biiray Kooxda Giallorossi sanad Ciyaareedkii 2016-kii, hase ahaatee hada u muuqda mid ka tagi doona Kooxda Stadio Olimpico.

Sida ay ku waramayso Jariirada The Express’ Hogaamiyaha Kooxda Roma Eusebio Di Francesco ayaa dhawaan ku wargeliyay saraakiisha xaga suuqa ee Kooxdiisa in goolhaye Alisson lagu abaalmariyo qandaraas muddo dheer si uu u sii joogo Kooxda Caasimada.

Si kastaba ha ahaatee’ 25-sano jirka reer Brazil ee Alisson Becker ayaa xagaagan Kooxdiisa ka caawiyay usoo bixista Wareega afar dhamadka tartanka Horyaalada Yurub ee Uefa Champions League 34-sanno kaddib, xilli uu damac wayni kasoo galay Kooxaha Real Madrid iyo Liverpool, hase ahaatee James Pallotta ayaa u muuqda mis iska laali doona yabooh kasta oo kaga yimaada Kooxaha qaarada Yurub.

 

Image result for AlissonImage result for Alisson

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here