Kooxaha Tottenham Hotspur, AC Milan iyo Inter Milan oo ku loolamaya saxiixa Cayaariyahan,,

Kooxaha ku coltama Magaalada Milaano e AC Milan iyo Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa inay ku dagaalami doonaan saxiixa xiddiga Kooxda Ajax David Neres.

Sida laga soo xigtay Jariirada Calciomercato.com, Nerazzurri ayaa muujisay xiisaha ay u qabto Cayaariyahan Neres, ka hor inta aysan shaki galinin mustaqbalka Caairiyahanadeeda Antonio Candreva iyo Ivan Perisic, ku waas oo bilowgii xagaagan lala xiriirinayay Kooxaha Chelsea iyo Manchester United.

Website-yada kasoo baxa gudaha wadanka Talyaaniga ayaa sheegaya in Nerazzurri ay xaqiijin doonto qorshahooda xaga suuqa ee ku aadan Cayaariyahan David Neres, ka hor usoo bixitaanka tartanka Champions League xilli ciyaareedka soo aadan.

Hogaamiyaha Kooxda Diavolo Gennaro Gattuso ayaa diyaarinayaa qiimo lacageed dhan €30m, si uu ugu garaaco Kooxda deriskooda ee Inter saxiixa Cayaariyahanka reer Brazil ee Neres oo 20-sano jir ah, kaas oo sidoo kale lala xiriirinayo Kooxda Tottenham Hotspur.

 

Image result for David Neres

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here