FALANQEYNTA: Dekedda Vs Banadir S,C- Wax Waliba Aad Ugu Baahan Tahay Kulan Ciyaareedkan Ka Tirsan Horyaalka Somali Premier League

Kooxaha Dekedda iyo Banadir Sports Club ayaa galabta ku balansan garoonka Banadir Stadium ee degmada Cabdicasiis ciyaar qeyb ka ah horyaalka Somali Premier League.

Ciyaartan ayaa ah mid aad u xiiso badan waana kulankii 66-aad ee horyaalka laga dheelaya fasal ciyaareedkan 2017-18.

Dagaalka labadan kooxod ayaa ah mid u dhaxeeya hogaanka, Dekedda ayaa heesa hogaanka horyaalka iyado leh 30-dhibcood halka Banadir ay leedhahay 27-dhibcood, taa ayaa ka dhigan hadii ay  Banadir badiso isku dhibco aye noqonaya balse Dekedda ayaa ku hayn doonto farqi goolal.

WARARKA LABADA DHINAC:

Kooxda Dekedda kulanka galabta waxey weyn doonta Xidigeeda Khadka dhexe ee Cabdikariin Qubaaye kaa uu ku seegaya Saddex jaalo oo u aruurtay.

Sido kale Wali waa ka maqnaan doona Laacibkeeda Cabdala Cali bile kaa uu qaba dhaawac.

Kooxda Banadir Sports Club  waxaa kulanka galabta seegi doona xidigaha kala ah Daadir Aamiin oo wali la tacaalaya dhaawac sido kale Konton ayaa ku maqnaan doona karaka roosaha ama casaanka isago qaatay kulankii ugu dambeyay ay kooxdiisa la ciyaartay naadiga Elman.

Cabdiwali oo ka tirsan kooxda Dekedda ayaa ciyaartan seegaya isago ku maqan waajibaadka xulkiisa.

Sayid Cali Baana ayaa galabta dib ugu soo laaban doona kooxdiisa Dekedda kaa uu kulamadii ugu dambeyay kaarka casaanka ugu maqnaa kooxdiisa.

KULAMADA FOOL KA FOOLKA:

Kulankii ugu dambeyay ay labadan kooxod isku arkan wajiga hore ee horyaalka waxaa guul lixaad leh soo gaartay Naadiga Dekedda kadib markii ay ugu awood sheegatay 1-0 kulan ciyaareed dhacay 19-02-18.

Lixdii kulan ee ugu dambesay ay is arkan labadan kooxod waxaa 3-kamid ah badisay naadiga Dekedda sido kale Banadir ayaa adkaatay 1-kulan oo kamid ah lixdii kulan ugu dambesay  halka ay bar baro ku kala baxeyn 2-kulan taa ayaa ka dhigan in Dekedda sanadihii ugu dambeyay ka nasiib wanaagsan tahay Wiilasha Hussien Mblago.

XAQIIQOOYINKA BANADIR SPORTS CLUB:

Kooxda Banadir Sports Club kulankii ugu dambeyay waxey guul 4 Iy 2- ugu soo adkaatay naadiga ay xifaaltaman ee Elman ciyaar dhacday 12-04-18, waxaana goolasha u kala dhaliyay xidigaha kala ah Cabdiqaadir Eenow oo 3-gool dhaliyay halka goolka kale uu raacsaday wayeelka Banadir Caadil Cali Nuur.

Banadir ayaa ku jirta booska 2-aad ee horyaalka iyado leh 27-dhibcood waxeyna soo ciyaartay 13-kulan ee horyaalka, kaliya waxaa laga badiyay 2-kulan sido kale waxey adkaatay 8-ciyaar halka ay bar baro gashay 3-kulan.

Cabdiqaadir Eenow ayaa ah xidiga ugu goolasha badan kooxda Banadir isago dhaliyay 12-kulan kal ciyaareedkan.

XAQIIQOOYINKA DEKEDDA:

Wiilasha uu hogaamiyo Macalin Yuu Cali ee Dekedda kulankii ugu dambeyay waxey guul 3-0 ka soo gaareyn kooxda Jeenyo Ciyaar dhacday 11-04-18.

Dekedda ayaa hogaanka horyaalka heesa iyado leh soo ciyaartay 13-kulan, waxey soo adkaatay 9-kulan sido kale waxaa laga adkaaday 1-kulan halka ay bar baro soo gashay 3-kulan taa ayaa la micno ah iney heesato 30-dhibcood.

Feysal Xasan Xaashi waa xidiga ugu sameynta badan marka aan saas leeyahay waxaa kala jeeda waxaa xidiga ugu goolasha badan kooxda Dekedda isago u dhaliyay 15-gool fasal ciyaareedkan.

OGEYSIIS CIYAARTA:

Tartanka; Somali Premier League

Kooxaha: Dekedda Vs Banadir S,C

Garoonka: Banadir Stadium

Saacada:3:45

Qiimaha: 10,000 Sh/Somali

W/D Cabdifitaax Cabdirashiid Abuukar(Nani)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here