Casemiro Oo Sheegay In Isco Muhiim U Yahay Kooxda Real Madrid

Isco ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxdiisii hore ee Malaga habeenkii axada, isagoo furay goolasha qeybtii hore ee ciyaarta ka hor inta uusan Casemiro goolka labaad u dhalin xilli Los Blancos ay 2-1 ku badisay.

 

Wali waxaa la rumeysan yahay inay xiiso u dhaxeyso macalinka kooxda Zinedine Zidane iyo Isco ka dib markii uu ka soo tagay weeraryahanka intii uu ku sugnaa Spain, laakiin 25 jirkaan ayaa si joogta ah usbuucyadii ugu danbeysay kooxda.

 

Casemiro ayaa sheegay in Isco uu “marwalba ahaa ciyaaryahan muhim ah Real Madrid”, iyo ciyaaryahanka reer Brazil ayaa doonaya in saaxiibkiisa uu sii joogo caasimadda muddo dheer.

 

“Mar walba waa ciyaaryahan muhiim ah Real Madrid” ayuu Casemiro u sheegay suxufiyiinta. “Waa cajiib, waan rajeyneynaa inuu sii joogo sanado badan.”

 

Zidane ayaa sidoo kale ku abaal mariyay guulaha Isco ee guusha Malaga, taasoo ka dhigtay in Real Madrid ay ka sareyso Valencia kaalinta 3aad ee horyaalka La Liga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here