DEG DEG: Waxaa Soo Idlaatay Kulankii U Dhaxeyay Xulkeyna Somali Iyo Ethiopia

Waxaa soo idlaatay ciyaartii u dhaxeysay xulkeyna Somali Iyo Ethiopia waxeyna ku soo dhamaatay 3-1 ay guusha ku raacday Ethiopia, kulan ka tirsana tartanka Cecafa Under 17.

Qeybtii hore kulanka ayaa lagu kala nastay bar baro 1-1 walow xulkeyna ay soo bandhigeyn ciyaar aad ay ugu riyaaqeyn taageerayasha u soo daawasho tagay kulan waxaana goolka dhaliyay xidiga Ayuub Cabdulaahi.

Markii dib la isku soo laabtay Xulka Qaranka Somali 17-sano jirada ayaa dar dar xoogan garoonka ku soo galay iyago raba iney ka taqalosan xulka 17-sano jirada ee Ethiopia waxey heleyn fursado badan oo goolal loo filan karay balse ma aysan dhicin in ay gool u badalaan fursadahaas sido kale waxey aad u xakameyen khadka dhexe iyago aad isla jaanqaadeyay.

Xulka Ethiopia ayaa helay 2-gool ciyaarto dhaamad ah kulan ayaa ku soo dhamaaday 3-1 ay guusha ku raacday Ethiopia.
Xidigaha Xulka Qaranka Somali ee 17-sano jirada ayaa laga soo xulay badi Iskoolada.

Xulka Qaranka Somali kulanka xiga wuxuu la dheeli doona marti gaiyaasha ee Burundi ciyaartaas oo dhici doonta maalinta talaadada ay taariiqda ku began tahay 17-04-18.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here