Arsenal iyo Atletico Madrid Oo Isku Aaday Tartanka Europe League

Waxaa maanta la sameeyay Isku aadka wareega Semi-final-ka Tartanka Europe League waxaana kasoo baxay kulamo xiiso badan.

 

Tartanka ayaa maraya meel aad u xiiso badan waxaana isku beegmay kullankii inta badan la saadaalinayay ee Arsenal iyo Atletico Madrid, halka dhanka kalena ay isku beegneen Marseille iyo Salxburg.

 

Kooxda Gunners ayaa lugta koowaad waxaa ay gurigooda kuala ciyaari doonaan khamiis, 26 April, halka lughta labaadna ay wada qaadan doonaan 3 May.

 

Finalka ayaa sanadkan ka dhacaya Magaalada Lyon ee dalka France Maalin Arbaco Taariikhduna ay ku beegan tahay 16 May, guuleestayaasha ayaana xagaaga dambe ka qeyb gali doona Champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here