Tottenham Hotspur oo caqabad adag kala kulmaysa dhigeeda Bayern Munich, kaas oo ku aadan,,

Kooxda Kubada Cagta ee Tottenham ayaa wajaheysa dagaal ka dhan ah hogaamiyaheeda Mauricio Pochettino, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya waqoyiga Magaalada London ee Wadanka England.

Sida ay ku waramayso Jariirada Jarmalka ee BILD’ Kooxda ugu guulaha badan tartanka Bundesligue ee Bayern Munich ayaa qorshaynaysa u dhaqaaqista Macalin Pochettino, si ay bedel uga dhigto hogaamiyaheeda Jupp Heynckes, kaas oo qaab ku meel gaarka ah u maamula Kooxda Munich.

Tababaraha reer Argentine Pochettino ayaa waayo xurxoon la qaadanaya Kooxda Spurs, isagoo ku hogaaminaya boosaska labaad iyo seddexaad ee tartanka Premier League, xilli uu sidoo kale garaacay Naadiyada Real Madrid iyo Borussia Dortmund heerka Group-yada ee tartanka Champions League.

Bayern ayaa raadineysa tababare cusub ka hor dhamaadka xagaaga, kaddib markii macalin Jupp Heynckes uu dhawaan ku dhawaaqay inuu ciyaaraha ka fariisan doono ka hor bilowga ololaha danbe.

Pochettino ayaa ka mid ah golayaasha sare ee lala xiriirinayo Kooxda Bayern, xilli sidoo kale lala xiriirinayo hogaamiyaha Kooxda Borussia Dortmund Thomas Tuchel.

 

Image result for Jupp HeynckeImage result for Macalin Pochettino

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here