Alex Sandro oo shaki la gelinaayo safashadiisa kulamada Real Madrid iyo Milan

Cayaariyahan Alex Sandro ayaa baaritaano Caafimaad lagu sameyn doona maanta, iyadoo daafaca dambeedka bidix ee Kooxda Juventus laga saaray safka xulka qaranka Brazil.

Daafaca bidix ayaa dhaawac muruqa ah uu kasoo gaaray tababarka kooxda Selecao, sidaasi darteed Cayaariyahan Alex Sandro ayaa dib loogu celiyay Magaalada Turin, si loo hubiyo heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaca Cayaariyahanka.

Sida ay ku waramayso Jariirada Gazzetta dello Sport, Bianconeri ayaa la kala ciyaari doonta Naadiyada AC Milan iyo Real Madrid, xilli maqnaanshiyihiisa ay dhibaato ku noqon doonto Kooxda Juve.

Shaqaalaha Waaxda caafimaadka ee Kooxda Cajuusta ayaa la rumeysan yahay inay ka walwalsan yihiin xaalada Cayaariyahan Alex Sandro, kaas oo laga yaabo in uu seego kulamada Kooxdiisa.

Si kastaba ha ahaatee’ Xiddigaha Miralem Pjanić iyo Medhi Benatia ayaa kulanka Real ku seegi doona ganaaxyo, halka Giorgio Chiellini iyo Alex Sandro isna laga yaabo in uu dhaawac ku seego.

 

Related image
.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here