Tababaraha xulka Spain Julen Lopetegui ayaa sheegay in Alvaro Morata uu wali sii wadi karo Koobka Aduunka

Tababaraha xulka Spain Julen Lopetegui ayaa sheegay  in weeraryahanka Chelsea Alvaro Morata uu wali ku guuleysan karo booskiisa xulkiisa Koobka Adduunka, laakiin waa inuu cadeeyaa qiimaha uu ku fadhiyo.

 

25-jirkaan ayaa ka maqnaa xulkiisa kulankii saaxiibtinimo ee ay la yeesheen xulka Jarmalka iyo Argentina sababtoo ah qaab ciyaareedkiisa aan la qabin ee Stamford Bridge.

Natiijada sawirka Alvaro Morata and  Julen Lopetegu

Weeraryahanka ayaa dhaliyay 13 gool 38 kulan oo uu u saftay tartamada oo dhan, kaliya hal kulan 14kii kulan ee ugu danbeysay ee uu u saftay kooxda ka dhisan Galbeedka London.

 

“Dabcan Morata waxa uu heystaa fursado badan oo uu u aadi lahaa Koobka Adduunka, waana uu ogyahay,” Lopetegui ayaa u sheegay El Partidazo de COPE. “Waa inuu tusaa bilahaas ciyaaryahan uu ku dhex jiro.”

 

Morata ayaa Blues kaga soo biiray Real Madrid xagaagii lasoo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here