Casemiro oo banaanka soo dhigay Jacaylka uu u qabo Kooxda Manchester United

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Kooxda Real Madrid Casemiro ayaa sheegay in uu waligiis jeclaa u dhaqaaqista Kooxda Manchester United, ka hor inta uusan ku biirin Kooxda Madrid.

Cayaariyahankii hore ee Kooxda São Paulo Casemiro ayaa waayo badan ku qaadanaya Kooxda Madrid, hase yeeshee sheega mar walba in uu jecel yahay in uu maalin xirto maaliyada Casaanka ee Kooxda Red Devils.

“Markii aan la hadlay kooxda koowaad ee Madrid, waxaa i soo wacay maasuliyiin ka tirsan Kooxda United,” ayuu u sheegay El Partidazo.

“Waan ogahay sida ay u ciyaareyso, waa Koox wayn oo ka tilmaaman Kooxaha kale ee England.

”Uciyaarista Kooxda Madrid ma ahan wax sahlan, balse waxaan nasiib u yeeshay inaan Bernabeu ka dagaal galo waqtigaan.

“Wuxuu i siiyay kalsooni, waxaan aaminsanahay in layga jecel yahay aqalka labiska sida looga jecel yahay Cristiano Ronaldo,”ayuu yiri Casemiro oo ka sheekaynaayay Jacaylka uu u qabo Kooxda ugu guulaha badan England ee Manchester United.

 

Image result for Casemiro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here