Muxuu kusoo dhamaaday kulankii u dhaxeeyay Kooxaha Elman iyo LLPP Jenyo ?

Kooxaha Elman iyo LLPP Jenyo ayaa ku kala baxay barbaro 2-2, kulan ka tirsan horyaalka Somali Premier League, taasoo ka dhacday garoonka dhaca Degmada C/casiis ee Koonis Stadium.

Kulanka oo ahaa mid ad u xiiso badan marka loo fiiriyo Awooda labada Naadi ee Elman iyo Jenyo ayaa ugu danbayntii dhalisay in wiilasha Macalin Cabdi joon ay la yimaadaan laba gool oo degdeg ah, kaas oo shaarkiisa uu ku toshay Cayaariyahan Maxamed Marshiyal, oo sidoo kale ka dhigaysa in uu dhaliyo goolkii afaraad, xilli uu laba gool sidaan oo kale uu ka dhaliyay Kooxda Banaadir Sports Club.

Kulankaan uu dhexdhexaadiye ka ahaa garsoore Maxamed Nuur Muxudiin Somali, Calanwadaha kowaadna uu ahaa Xasan Xuseen Mocow, hala Calanwadaha labaadna uu ahaa Macalin Aadan ayaa qaybtii kowaad lagu kala nastay 2-0 oo ay ku hor kacaysay Xiddigaha lagu naaneeso Jaalayaasha.

Xiddigaha sooma jeestayaasha Jenyo ayaa helay laba gool oo Rigorre ah, waxaan goolkii kowaad u dhaliyay Cayaariyahan Cali Maxamed Axmed, kaas oo sidoo kale ka dhigan in uu dhaliyo goolkiisii labaad tan iyo imaatinkiisa Kooxda LLPP Jenyo isagoo goolkiisii kobaad ka dhaliyay Kooxda Badbacada, halka goolkii labaad oo ahaa Rigorre waxaa u dhaliyay Cayaariyahankoodii hore ee C/casiis Homay, kaas oo Ciyaarta ka dhigay barbaro 2-2.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here