Elman Vs Jeenyo- Wax Waliba Aad Ugu Baahan Tahay Kullankan & Wajiyada Cusub Oo Galabta Iska Hor Imaan Doona

Kooxaha Elman Iyo Jeenyo ayaa galabta ku Ballansan Garoonka Banadir ee Degmada Cabdicasiis kullan ciyaareed qeyb ka ah horyaalka Somali Premier League.

Kullankan ayaa ah mid aad u xiiso badan waana kullankii 40-aad ee laga dheelayo horyaalka fasal ciyaareedkan sido kale kulamadii 8-aad ee horyaalka.

XAQIIQDA KULLANKAN:

Kooxda kubadda cagta Elman kullankii ugu dambeyay waxey guul 3-0 ka soo gaartay naadiga Otobaarka ee Gaadiidka ciyaar dhacday 9-03-18

Wiilasha Jeenyo Ciyaartii ugu dambeysay waxey guul daro qaraar badan  kala soo kulantay kooxda Waxool kadib markii ay logu awood sheegtay 1-0, kullan dhacay 8-03-18.

Naadiga Jaalayasha ee Elman waxey ku jirta kaalinta 5-aad iyado soo ciyaartay 7-kulan waxaa laga soo badiyay 4-ciyaar sido kale waxey badisay 3-kulan taa oo ka dhigan iney heesato 9-dhibcood.

Image result for elman fc vs jeenyo fc

Kooxda Jeenyo waxey fadhisa kaalinta 6-aad ee kala sareynta horyaalka iyado soo ciyaartay 7-kulan waxaa laga soo adkaaday 3-kulan sido kale waxey soo badisay 2- ciyaar halka ay bar baro soo gashay 2-kulan, taa oo la micno ah iney aruursatay 8-dhibcood.

WAJIYADA CUSUB OO GALABTA ISKA HOR IMAAN DOONA:

Wiilasha kala ah Anwar Shankunda, Maxamuud Cabdinuur Mayman, Daandii iyo Cabdiqaadir Shariif Muqtaar Niinje ayaa galabta ka hor imaan doona markii ugu horeysay taariiqda kooxdoode hore ee Jeenyo taa oo waayo qurux badan ku soo qaateyn kooxdan.

Elman galabta waxaa ka soo hor jeesan doona xidigeedii hore e Agoogow kaa uu waqti fiican ku soo qaatay naadiga jaalayasha ee Elman lakiin markan wuxuu sita fanaanada kooxda Jeenyo.

Image result for elman fc vs jeenyo fc

Kabtan Axmed Tahliil ayaa galabta dagaalan adag kala kulmi doona saxiibadiise hore ay isku kooxda ahayen wuxuuna galabta il goone u lahaan doona weerayahanada kala ah maxamuud Cabdi Nuur Mayman iyo Anwar Shakunda.

IS ARAGA LABADA KOOXOD:

28/02/2017         Jeenyo FC           1 : 1        Elman FC

09/02/2016         Elman FC              1 : 1        Jeenyo FC

02/05/2016         Jeenyo FC           0 : 0        Elman FC

02/02/2015         Elman FC              1 : 1        Jeenyo FC

15/05/2015         Jeenyo FC           0 : 0        Elman FC

01/01/2014         Jeenyo FC           0 : 2        Elman FC

28/02/2014         Elman FC              2 : 5        Jeenyo FC

OGEYSIIS KULLANKA:

Tartanka: Somali Premier League 2017-18

Kooxaha: Elman Vs Jeenyo

Garoonka: Banadir Stadium

Waqtiga Ciyaarta: 3:30

Qiimaha: 10,000 Sh/ Somali

Jawiga Garoonka: 31° /26°C

W/D Cabdifitaax Cabdirashiid Abuukar(Nani)

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here