Elman Iyo Jeenyo Oo Bar Baro Ku Kala Baxay

Kullan xiiso badan ayaa galabta ka dhacay garoonka Banadir ee Degmada Cabdicasiis kaa uu u dhaxeyay kooxaha Elman Iyo Jeenyo wuxuuna qeyb ka ahaa horyaalka Somali Premier League.

Qeybtii hore ciyaarta ayaa lagu kala 2-0 ay ku hogaamineyso kooxda kubadda cagta jaalayasha ee Elman waxaana labadaas gool u dhaliyay xidiga lagu magacabo Maxamed Nuur Cusmaan sidaas ayaa lagu kala maray qeybtii hore dheesha.

Markii dib la isku soo laabtay qeybtii dambi ciyaarta wiilasha Jeenyo ayaa dar daro xoogan garoonka ku soo gashay iyado maankeyda ku heesa iney iska soo gudo labada gool ee deenta lagu leeyahay.

Ciyaarto wax yar socota Kooxda Jeenyo ayaa heshay goolka koowad ee ciyaarta waxaana u dhaliyay Xidigeeda Cali Maxamed Axmed kaa uu rajo taageerayasha dib u soo celiyay.
Elman ayaa weeraro xoogan ku qaaday shabaqada kooxda Jeenyo lakiin uma suurta galin iney gool kale ka dhaliso shabaqada Jeenyo.

Dhamaadkii ciyaarta Wiilasha Jeenyo ayaa heleyn goolkii bar baraha waxaana u dhaliyay Cabdicasiis Hoomey goolkas uu ahaa mid Rigoore kadib qalad uu galaya daafaca kooxda Elman Mustaf Cali Ibraahim kaa oo u ku galay xidiga Cali Maxamed wuxuuna ku muteystay kaarka Roosaha ciyaarta ayaa noqotay 2-2.

Ugu dambeyn ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay bar baro 2-2 ay ku kala baxeyn labada kooxod.

Kulanka waxaa Garsoore ka ahaa Maxamed Nuur Muxidiin (Maxamed Soomaali),Calanhayaha 1-aad waxa uu ahaa Xasan Xuseen Macow,halka Calanhayaha 2-aad uu ahaa Aadan Cilmi Maxamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here