Barcelona oo wajahaysa xaalad adag kaddib markii uu dhaawacmay Busquets

Chelsea's Victor Moses, center left, vies for the ball with Barcelona's Sergio Busquets during the Champions League round of sixteen second leg soccer match between FC Barcelona and Chelsea at the Camp Nou stadium in Barcelona, Spain, Wednesday, March 14, 2018. (AP Photo/Manu Fernandez)

Kooxda Kubada Cagta ee Barcelona ayaa xaqiijisay in uu dhaawacmay Cayaariyahankeeda khadka dhexe ee Sergio Busquets, kaas oo Ciyaart laga saaray qaybtii labaad ee dheesha kulankii Barca iyo Chelsea.

Kooxda Barcelona ayaa wajahday dhigeeda Chelsea lugta labaad Wareega 16-ka ee tartanka Champions League, xilli wadarta guud ee labada kulan ay ka dhigan tahay 4-1, taas oo Kooxda Macalin Ernesto Valverde ay u gudubtay wareega xiga ee tartankaan.

Sida ay ku waramayso Jariirada El Mundo Deportivo’ Cayaariyahanka reer Spain ee Sergio Busquets oo la rumeysan yahay in ay isku dheceen Weeriryahanka Kooxda Blues Olivier Giroud, xilli uu xanuun daran ka dareemayo Suulka lugtiisa midig, ka hor inta aan lagu bedelin Cayaariyahan Andre Gomes.

Si kastaba ha ahaatee’ Saraakiisa waaxda Caafimaadka ee Kooxda Blaugrana ayaa ka wal walsan xaalada Caafimaad ee Cayaariyahan Busquets, kaas oo laga yaabo in uu seego kulanka Kooxdiisa ay la qaadan doonto Athletic Bilbao iyo kulamada saaxiibtinimo ee wadanka Spain uu la kala yeelan doono Germany iyo Argentina 23-ka ilaa iyo 27-ka bishan.

 

https://cdn.vox-cdn.com/thumbor/b403JenKfz1mJ9eamsnEqEaC-8E=/0x0:2000x3000/1200x800/filters:focal(795x753:1115x1073)/cdn.vox-cdn.com/uploads/chorus_image/image/59030607/

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here