Cayaariyahan Ninja oo la ganaaxay sedex kulan iyo lacag dhan,,,,

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta ayaa lagu ganaaxay Weeriryahanka Kooxda Elman FC C/ qaadir Shariif Muqtaar (Ninja) kaddib markii uu qalad ku sameeyay mid ka mid ah Xiddigaha Kooxda Batroolka.

War saxaafadeedkan uu ku saxiixnaa Kusimaha Xoghayaha
Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta Aways Axmed Jimcaale ayaa ka dhigan in Weeriryahanka Kooxda Elman C/ qaadir Shariif Muqtaar (Ninja) laga ganaaxay Sedex Ciyaar oo ka bilaabanaysa kulanka ugu soo horeeya iyo lacag dhan $150-dollar.

Labada Koox ee Elman iyo Batroolka ayaa 1-dii bishan ku wada Ciyaaray garoonka Banaadir Stadium, xilli garsoore Cumar C/qaadir Cartan uu dheesha ka saaray Cayaariyahan Ninja, kaddib markii uu Feer bareer ah ku dhuftay mid kamid ah Xiddigaha Kooxda Batroolka

Si kastaba ha ahaatee’ Kooxda Elman oo ku jirta booska toddobad ee kala saraynta horyaalka Soomaali Premier League ayaa kulanka soo adan la Ciyaari doonta Kooxda LLPP Jenyo, xilli kaliya ay badisay laba kulan, halka laga badiyay Afar kulan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here