Aguero oo loo magacaabay Laacibka bisha

Weeriryahanka Kooxda Manchester City Sergio Aguero ayaa loo magacaabay Laacibka bisha ee Premier League’ kaddib markii uu Afar gool dhaliyay bishii Janaayo, ka hor inta uusan sedexlay ama hat-trick ka dhalinin Kooxda Newcastle United.

Aguero ayaa Kooxda Guardiola ka caawiyay in goolal uu ka dhaliyo Kooxaha Watford, Newcastle iyo West Bromwich Albion, ka hor inta aysan guuldaro 4-3 kala kulmin Kooxda Liverpool.

Aguero ayaa abaalmarintan kala sinmay Laacibiinta kala ah Wayne Rooney iyo Robin van Persie oo min Shan jeer hantiyay iyaga.

Kaliya waxaa ka badan Xiddigaha Harry Kane iyo Steven Gerrard oo abaal marintan ku guulaystay min Lix jeer.

Maamulka Kubada Cagta Premier League ayaa codad ka aruuriyay Taagerayaasha Kooxaha Premier League iyo gudi sidoo kale qiimayn ku sameya wax qabadka Ciyaartoyda Kooxahas.

Si kastaba ha ahaatee’ Xiddiga heerka Caalami ee wadanka Argentina Aguero ayaa abaalmarintan ku garaacay Xiddigaha Kevin De Bruyne, Christian Eriksen, Eden Hazard, Jan Vertonghen iyo Callum Wilson.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here