Smalling iyo Jones oo bedelkoda laso helay

Hogaamiyaha Kooxda Kubada Cagta ee Manchester United Jose Mourinho ayaa dib u milicsan doona xiisaha uu u qabo daafaca dhexe ee Kooxda Real Madrid Raphael Varane.

Sida ay ogaatay Jariirada Daily Mail ” Mourinho ayaa doonaya in uu iska iibiyo Cayaariyahanada Chris Smalling iyo Phil Jones, ka hor dhamaadka fasal Ciyaarekan.

Cayaariyahan Varane oo lagu daray daafaca dhexe ee Kooxda Leicester City Harry Maguire ayaa la filayaa in ay bedel u noqon doona xiddigaha Smalling iyo Jones.

Mourinho ayaa xiddiga heerka Caalami ee wadanka Faransiska Varane kala soo shaqeeyay Los Blancos labo Xilli Ciyaared intii u dhaxaysay 2011 ilaa iyo 2013.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here