PSG oo Donnarumma soo qadanaysa dhamaadka,,

Wakiilka Caanka ah ee Super Mino Raiola ayaa maalmaha soo adan kulan la qaadan doona kalyantigiisa Gigio Donnarumma si uu ugala hadlo mustaqbalkiisa Kooxda San Siro.

Mustaqbalka goolhayaha Kooxda AC Milan Donnarumma ayaan caday mustaqbalkiisa Kooxda, balse Raiola ayaa aaminsan in uu ku biiri doono Kooxda Faransiiska ee PSG.

Jariirada Calciomercato.com  ayaa cadaysay in Raiola uu wadahadalo kula jiro Kooxda PSG, si dhamaadka ololahan uu kaga iibyo Donnarumma Kooxda maal qabeenada carbeed ee Paris.

Donnarumma ayaa sidoo kale la warinayaa in uu bartilmaameed u yahay Kooxaha Bayern Munich iyo Real Madrid, balse Raiola ayaa aaminsan in da,yarka reer Talyaani uu kaliya uu ku biiri doono Kooxda PSG.

Maareeyaha guud ee Kooxda PSG Antero Henrique ayaa hor dhigi doona madaxwaynaha Kooxdaas ee Nasser Al-Khelaifi, si dhamaadka xagaagan ay u xaqiijiyaan saxiixa bartilmaamedka Koowad ee xaga suuqa.

Si kastaba ha ahaatee’ Gigio Donnarumma ayaa bilowgii xagaagan saxiixay hishiis lagu bur burin karo qandaraaskiisa hadii loo baahdo aduun dhan 50-million hadii Kooxdiisa ay usoo bixi wayso tartanka Champions League.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here