Falanqeynta- Banadir S, C Vs Elman- Kullanka Caasimada Oo Galabta La Ciyaare Doono.

Garoonka Banadir ayaa galabta marti galin doona mid kamid ah kulanka ugu adag ee Horyaalka fasal ciyaareedkan kaa oo u dhaxeeya kooxaha Banadir Sports Club iyo Elman.

Ciyaartan ayaa ah mid aad u xiiso badan taa oo logu magac daray Kullanka Caasimada, waana kullankii 17-aad ee laga dheelayo Horyaalka.

XAQIIQDA KULLANKA:

Kooxda Banadir Sports Club kullankii ugu dambeyay waxey 4-1 ugu soo adkaatay Waxool, ciyaar dhacday 07-02-18.

Wiilasha Jaalayasha ee Elman Guul daro ayee kala soo kulmeyn kooxda Dekedda ciyaartii ugu dambeysay ay ciyaarto, markii lagu soo lagday 1-0 kulan dhacay 05-02-18.

Banadir ayaa fadhisa kaalinta 5-aad iydo leh 4-dhibcood waxeyna soo ciyaartay 3- kulan mid waa laga badiyay waxaa ka badisay kooxda Horseed, kulan wey badisay waxey ka adkaatay kooxda Waxool halka kulanka kale ay bar baro la gashay kooxda Heegan ciyaar ku dhamaatay 1-1.

Image result for elman vs banadir sports club
Xidigaha uu hogaamiyo Tababare Cabdi Joon ee Elman waxey ku jiraan kaalinta 6-aad iyago leh 3-dhibcood, waxeyna ciyaareyn 3-kullan kaliya waxey adkaatay hal kulan waxeyna ka soo badisay kooxda Waxool halka labada kullan kale laga soo badiyay, waxaana ka soo wada badiyay kooxaha Dekedda iyo Heegan.

Elman wali waxaa dhaawac ugu maqnaan doona xidigeeda Maxamuud Cabdi Nuur (Mayman) kaa oo la tacaalaya dhaawac jilibka ah.

Sido kale Cabdiqaadir Shariif Muqtaar (Niije) ayaa kullankan shaki laga galinaya inuu ciyaare karo.

Image result for elman vs banadir sports club
Kooxda Banadir waxaa dhaawac ugu maqan xidigeeda daafaca ugu ciyaare ee Konton.

Sido kale Banadir waxaa galabta dib ugu soo laabtay laacibkeeda Deeq Aaryo kaa uu dhaawac ugu maqnaa Naadigeesa.

Markii la fiiriyo labada dhinac xidigaha iskaga hor imaanaya kullankan galabta waxaa ugu goolal badan xidiga weerarka ugu ciyaara kooxda Elman Anwar Shankunda kaa uu dhaliyay 4-gool Xili ciyaareedkan.

Lixdii kulan ugu dambeysay ay labadan kooxod is arkan waxaa 2-kamid ah badisay kooxda Banadir Sports Club hal kamid ah waxaa guul gaartay Elman halka ay 3-kullan ay bar baro kuwada heshiiyen.

IS ARAGA LABADA KOOXOD:

5/11/2016 Elman FC 1 : 2 Banadir S.C
24/03/2017 Banadir S.C 0 : 1 Elman FC
14/01/2016 Banadir S.C 2 : 1 Elman FC
22/03/2016 Elman FC 1 : 1 Banadir S.C
22/01/2015 Banadir S.C 1 : 1 Elman FC
13/04/2015 Elman FC 0 : 0 Banadir S.C

OGEYSIIS KULANKA:

Tartanka: Somali Premier League 2017-18

Kooxaha: Elman Vs Banadir Sports Club

Goobta: Banadir Stadium

Saacada: 3:30

Qiimaha Kullanka: 10,000 Sh/Somali

Cimilada Garoonka: 30° /25°C

W/D Cabdifitaax Nani

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here