City oo gacanta kusoo dhigta Saxiix kalo wayn

Kooxaha Manchester City iyo Shakhtar Donetsk ayaa isku af gartay hishiiska Cayaariyahanka reer Brazil ee Fred.

Sida lagu daabacay cadadkii hore ee maanta shabakada The Mirror’ Kooxda Shakhtar Donetsk ayaa ogolaatay lacag dhan £50m si loo bur buriyo hishiiskiisa, ka hor dhamaadka ololahan uu qayb kasii ahaan doono Kooxdiisa.

Cayaariyahan Fred ayaa ku guuldaraystay in uu baxo bishii January, ka hor inta uusan xirmin suuqii jiilaalka ee xagaagan, kaddib markii Kooxda reer Ukrainian ee Shakhtar ay u gudubtay wareega xiga ee tartanka Champions League, markii ay iska reebeeb Kooxda Roma, xilli hishiiskiisa ay sidoo kale qayb ka ahayd Kooxda Chelsea.

Si kastaba ha ahaatee’ Pep Guardiola ayaa u arka 24-sano jirka reer Brazil Fred bedelka mustaqbalka dheer ee Cayaariyahan Fernandinho, ka hor inta uusan soo gaba_gabaynin noloshiisa Etihad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here