Gianluigi Buffon Oo Xaley Saftay Kullankii 500aad ee Juventus

Gianluigi Buffon ayaa kulankiisii 500aad ee horyaalka Serie A u saftay Juventus kulankii Xaley ee ay la ciyaareen Fiorentina.

 

Buffon ayaa ah ciyaaryahankii labaad ee gaaraya 500 kulan oo horyaalka ah oo Juventus ah, Alessandro Del Piero ayaana haatan hogaanka u haya 513.

 

40 jirkaan ayaa dhawaan ku soo laabtay taam ahaanshihiisa ka dib dhaawaca muruqa ah, taasoo ku adkeysay inuu 12 kulan saftay Serie A xilli ciyaareedkii 2017-18.

 

Juventus ayaa badisay 10kii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan, guushii ay ka gaartay Fiorentina habeenkii Xaley ayaa ka dhigeysa inay labo dhibcood ka sareeyaan Napoli oo hogaanka Serie A ku heysa.

 

The Old Lady ayaa soo dhaweyn doonta Tottenham Hotspur iyadoo Turin lugtii koowaad ee wareega 16ka Champions League la ciyaari doona caawa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here