Manchester United oo kula dagaalamaysa Real Madrid adeega Cayaariyahan Mauro Icardi

Manchester United ayaa diyaar u ah inay kula dagaalanto dhigeeda Real Madrid saxiixa xiddiga kooxda Inter Mauro Icardi, bilowga xilli ciyaareedka soo aadan, sida laga soo xigtay wargeysyada kasoo baxa gudaha wadanka Argentina.

Waxaa jira warar xan ah oo sheegaya in Kooxda Real Madrid ay xiiseyneyso Maurito, madaama ay u arkeen inuu yahay bedelka Cayaariyahan Karim Benzema.

Warsidaha Wadanka Argentine ee Olé ayaa sheegay in Jose Mourinho iyo Manchester United ay indhaha ku hayaan saxiixa weeraryahanka dhexe ee Kooxda Nerazzurri Icardi.

Icardi ayaa 25-sano jir noqonayaa bishan waxaana weli uu yahay halyeeyga, isagoo dhaliyey 18-gool, kaddib 23-kulan xilli uu sidoo kale caawiyay 10-kale.

Manchester United ayaa diyaar in qandaraaskiisa ay ku kansasho qiimo dhan € 110m, xilli sidoo kale ay qayb ka tahay Kooxda La Liga ee Los Blancos.

 

Image result for Manchester United, Real Madrid and Mauro Icardi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here