Borussia Dortmund o soo heshay bedelka Pierre Emerick Aubameyang, kaas oo ku wajahan Arsenal

Borussia Dortmund ayaa diyaar u ah inay u dhaqaaqdo Weeraryahanka Kooxda Chelsea Michy Batshuayi.

Daily Mail ayaa sheegeysa in Dortmund ay ku dhowdahay inay iska iibiso Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo lala xiriirinayo Kooxda kasoo jeeda Waqoyiga Magaalada London ee Arsenal.

Dortmund ayaa xiiseyneysa adeega Cayaariyahanka reer Faransa ee Olivier Giroud si ay bedel uga dhigto, balse haatan ka fiirsanaysa u dhaqaaqista Weeriryahanka kooxda Chelsea Batshuayi, oo sidoo kale adeegiisa lala xiriirinayo Naadiyada FC Sevilla iyo Roma.

Batshuayi ayaa laba gool dhaliyey kulankii Axadii, balse ka dhigaysa in uusan ahayn dooqa kowaad ee macalin Conte, xilli dhawaan uu sheegay in qaab deen ah uu ku aadi doono Kooxda Bundesliga ee Dortmund.

Naadiga Arsenal ayaa maanta soo dhamaystiri doonta saxiixa laacibka Kooxda Borussia ee Pierre Emerick Aubameyang, kaddib markii ay ogolaatay in hishiiskiisa ay ku kansasho aduun dhan 60-milyan oo gini.

 

Image result for Michy Batshuayi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here