Wax waliba aad ugu baahan tahay kullanka u dhaxeeya kooxaha Horseed iyo Banadir Sports Club.

Kooxaha Banaadir Sports Club iyo Horseed ayaa kullan xiiso badan kuwada ciyaare doona garoonka Banadir Stadium, kaa uu qeyb ka ah Tartanka Horyaalka Somali Premier League,waana  kullankii 5-aad ee laga ciyaarayo horyaalka fasal ciyaareedkan 2017-18.

XAQIIQDA KULANKA:

Banaadir Sports Club ayaa ku dhameysatay horyaalkii soo idlaaday 2016-17 kaalinta 2-aad ee kala sareynta horyaalka.

Halka Kooxda Cawo iyo Maalin ee Horseed ayaa booska 5-aad ku dhameysatay horyaalkii idlaaday 2016-17.

Naadiga Banaadir Sports Club waxaa shaxdiida ka soo muuqan doona wajiyo cusub oo ay kamid yihiin Deeq Aaryo oo ugu soo biiray Heegan, Daadir Cama oo ka yimid kooxda Jeenyo, Daadir Olyo oo kamid ahaa kooxda Midnimo iyo xidigo kale.

Sido kale kooxdan waxaa shaxdiida ka soo muuqan doonin xidigo hore lagu bartay iney garoonka u soo galaan waxaana kamid ah Mustaf Maxwel oo u dhashay dalka Nigeria, Thomas oo ah goolhayehii kooxdan oo iskaga tagay, Cabdinaasir Yuusuf Hargaandi oo ku biiray kooxda Dekedda iyo Imaam oo gabi ahaan ka hayaamay kooxda Banadir Sports Club.

Kooxda Horseed ayaa sanadan waxey la soo saxiixatay xidigo waa weyn oo kamid yahay Xasan Cabdi Nuur Geesey(Xasaasi) kaa uu ugu yimid kooxda Jeenyo, Xasan Karaama,  iyo xidigo kale oo ajaanib ah ee ka keensatay wadamada aan dariska nahay.

Sido kale kooxdan waxaa iskaga tagay xidigo oo kamid yahay Ibraahim Cali yaxye(Alosh)

Kabtanka kooxda Horseed ee  Fua’ad  Axmed Nuur ayaa ciyaartan ku seegay dhaawac dhanka Jilibka ah.

Todobaddii kulan ay is arkan labadaan kooxod waxaa 5-kamid ah badisay kooxda Banadir Sports Club halka 2-kulan ay bar baro galeyn taas ayaa ka dhigan iney  taariiq fiican ka heesto kooxda Banadir dhigeeda Horseed.

Is arga labada kooxod.

13/03/2017         Horseed S.C       0 : 3        Banadir S.C

04/02/2016         Horseed S.C       0 : 0        Banadir S.C

29/04/2016         Banadir S.C         2 : 0        Horseed S.C

22/02/2015         Horseed S.C       0 : 2        Banadir S.C

24/05/2015         Banadir S.C         5 : 0        Horseed S.C

18/11/2013         Horseed S.C       2 : 2        Banadir S.C

27/02/2014         Banadir S.C         2 : 0        Horseed S.C

OGEYSIIS KULANKA:

Tartanka: Somali Premier League

Kooxaha: Banadir Sports Club vs Horseed

Garoonka: Banadir Stadium

Saacada: 3:30

Taariiqda: 26-01-18

Qiimaha kullanka: 10,000 sh/soomaali.

W/D Cabdifitaax Nani

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here