Maxaad ugu baahan tahay inaad ka ogaato furitanka horyaalka Somali Premier League iyo falanqeynta kulan Waxool vs Dekedda

Maalin wayn ayaa u dilaaci doonta dadka xiiseeya ciyaaraha soomaalida, Somali Premier League  ayaa owdda laga qaadi doonaa, waa malxamad cid kasta ay xiiseyneyso in ay iska aragto, ha yeeshee dad yar qaadda.

Horyaalka ayaa la bilaabayaa iyadoo uu huwan yahay magac cusub, kooxo cusub ayaa lagu arki doonaa, halka xiddigo waa wayn aysan u ciyaari doonin kooxihii lagu yaqaannay.

Uma baahnin in aan ka hadalno waxa laga filayo horyaalka, ee waxa aan u baahannahay waxa is baddalay, Mayma, Babbaay iyo magac yo kale ayaan u ciyaari doonin kooxihii aan ku naqaannay.

Magaca aan ku isticmaali doonno horyaalka cusub waa Mid na xiiso gelinaya, waa horyaalka ugu caansan adduunka, kan loogu daawasho iyo daneen og yahay caalamka

Somalia PRIMER league ayaa loogu wanqalay magaca cusub ee horyaalka, se muhiimaddu waa in uu sida horyaalka UK u xiiso badnaan doono.

Taageerayaasha ayaa helaya fursad cuddoon oo ay isku muujiyaan, xiddigaha dhalinyarada ayaa iyana halkoodii ah, ajaanib ayaan ku badnaan doonin, ha yeeshee la’aan ma noqon doono horyaalka oo koontada ajaaniibta kooxaha qaar ayaa heysta.

Maalinba maalin bay kuu dhiibtaa, kooxba kooxbay ka siisaa fursadda, waxa aan bilaaban doonnaa iyadoo Dekedda ay tahay guuleystayaasha, iyo difaacdayaasha.

Uma baahnin in aan helno horyaal fudud ee waxa aan u baahannahay horyaal adga oo aan la isku xisaabtamin.

Maanta ayaa firrimbigiisa laga afuufi doonaa garoonka Benaadir Stadium Somali Premier League waxaana nasiib u yeeshay kulanka Furitaanka Somali Premier League kooxaha Waxool Iyo Dekedda.

MAXAA KA CUSUB DEKEDDA FC:

Kooxda Dekedda ayaa ah kooxda difaacaneysa Horyaalka Soomaaliya balse hada loo bixiyay Somali Premier League.

Dekedda ayaa sanadkan waxey la soo wareegtay xidigo badan oo u muhiimsan kooxda waxaana kamid ah Feysal Xasan Xaasho oo ka yimid kooxda Jeenyo, Shakur alla oo ugu soo biiray kooxda Elman , Cabdinaasir Yuusuf Hargaandi oo ka yimid kooxda Banadir Sports Club iyo xidigo kale oo kamid yahay Nuur oo ka soo hayaamay kooxda Heegan.

Sido kale Naadiga Dekedda waxaa ka tagay xidigaha kala ah, Axmed Xasan Macaani oo ku biiray Elman, Cabdicasiis Catoosh oo kamid ah Heegan, Xasan Siidow Hiloowle oo qeyb ka ah Heegan iyo xidigo kale.

Wiilasha uu hogaamiyo Macalin Yuu Cali ee Dekedda  ayaa waday mudooyinkii ugu dambeyay kulamo saaxiibtinimo ay iskugu diyaarinayan Somali Premier League.

MAXAA KA CUSUB WAXOOL

Kooxda kubadda cagta Waxool ayaa sanadkii ugu dambeyay ka badbaaday iney dib ugu laabato horyaalka heerka 2-aad.

Waxool sanadkii ugu dambeyay waxey ku dhameysatay kaalinta 8-aad ee kala sareynta horyaalka.

OGEYSIIS KULANKA:

Somali Premier League

Kooxaha: Dekedda vs Waxool

Garoonka: Banaadir Stadium

Saacada: 3:30

Jawiga Garoonka: 21 °C / 36°C

W/D Cabdifitaax Cabdirashiid Abuuar(Naani)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here